786 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood ka yeelanaya Shaciga doorashooyinka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood ka yeelanaya Shaciga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah waxaa ay Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan kulan xasaasi ah.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo todobaadkaan uu u yahay mid Shaqo ayaa Maanta waxaa ay markale dood xasaasi ah ka yeelan doonaan Sharciga doorashooyinka oo ay horay dood kulul uga yeesheen.

 

 

 

Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka ayaa sharcigaan u gudbiyey Golaha Shacabka,kadib markii wadatashiyo ay kala soo sameeyeen Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

 

Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee HIndise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka,waxaana xusid mudan in Sharciga doorashooyinka qodobada qaar ay isku khilaafsan yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabtidii,Axadii iyo Isniintii waxaa ay yeesheen kulamo is-xigxiga, iyaga oo ay hortageen wasiirada Amniga iyo Gaadiidka iyo duulista Hawada,sidoo kale Maanta oo Talaado ahna ay kulan xasaasi ah yeelanayaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment