1062 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab & Burcad Badeed

Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab & Burcad Badeed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 18, 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ku sugan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa halkaasi waxaa uu kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo degaano kamid ah Galmudug ka howlgeli jiray.

Waxaa uu sheegay in Magaalada degaannada hoostaga laga sheegayay inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida,hayeeshee Galmudug aysan aqbaleyn ,isla markaana ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray Madaxweynaha Galmudug in bulshada ku nool Gobolka Mudug looga baahan yahay inay noqdaan kuwo ilaashada amnigooda Galmudugna ay diyaar u tahay inay la dagaalantao Al-Shabaab iyo cid kasta oo lidi ku ah amniga.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post