1017 Views

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Arrimaha doorashooyinka Jubbaland

Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee Arrimaha doorashooyinka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa xalay ku hoyday  wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr. Maxamed Guyow.

Wafdiga oo muddo saddex Cisho ah ku sugnaan doona Magalada Kismaayo ayaa la filayaa inay kulan la qaataan Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyaga oo kala hadli doona qaabka ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada Jubbaland maadaama tabashooyin ay qabaan inta badan musharixiinta Jubbaland.

Wafdiga ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan habsami u socodka Doorashada Jubbaland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa xilligaan isha ku wada haaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Beesha Caalamka maadaama la filayo in dabayaaqada Bishan Agoosto ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment