762 Views

Ruushka oo ku hanjabay inuu duqeynayo dekedaha dhaca Badda Madow

Ruushka oo ku hanjabay inuu duqeynayo dekedaha dhaca Badda Madow
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 8, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa beeniyey in dagaalka Ukraine uu keenayo dhibaato cunto oo si guud caalamka u saameysa – inkastoo uu sare u kac ku yimid qiimaha ay sabab u tahay hakadka ku yimid waxyaabihii ay dibadda u dhoofin jirtey Ukraine.

Waxa uu hadalkan jeediyey kadib kulan uu magaalada Ankara kula qaatey dhiggiisa Turkey-ga, Mevlut Casusoglu, kaasi oo isku dayaya inuu dhex-dhaxaadiyo heshiis lagaga qaadayo xanibaadda badarka ama cuntada laga dhoofinayo dekedaha Ukraine.

Mr Lavrov, ayaa sheegay in Ruushka uu diyaar u yahay inuu qarxiyo dekedaha dhaca Badda Madow, haddii dowladda Ukraine ay isku daydo iney wax dhoofiso. Madaxa Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa kahor yimid mowqifka Ruushka, isagoo ku tilmaamey been la dhoodhoobay.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu qadiyadda cuntada ka dhigayo wax hub oo kala ah, iyadoo uu xanibay dekedaha Ukraine, wuxuuna Ruushka ka dhigay dhul beereed goob dagaal, natiijadana ay noqotey macaluul caalami ah.

Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka, ayaa ka digay in haddii aan la furin dekedaha Ukraine, ay noqon doonto “ku dhawaaqid dagaal”, taasoo la xiriirta helitaanka cunnada Adduunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post