1110 Views

Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay gobolka Sitti qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay gobolka Sitti  qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kulul oo shalay ka dhacay gobolka Sitti  qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ku nool qeybo ka mid ah Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkan uu yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ay weerar ku qaadeen dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween oo ku sugnaa gobolka Sitti, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dhalinyarada gobolka ay sameeyeen iska caabin, isla-markaana ay dileen ugu yaraan illaa 25 ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Qoraal ah kasoo baxay maamulka gobolka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimashada ay gaareyso 100-ruux oo isugu jiro labada dhinac, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post