147 Views

‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)

‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)
____________________________________________________________________________

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiligaan ku jirta Dagaal-Diblomaasiyadeed ugu adkaa intii ay xornimada Dalku heysatay, waxeyna wahajeysaa Ethiopia oo ay ka dhaxeyso Taariikh Dhul/dagaal oo soo tixnaa sanado badan, Maamulka Abiy ayaa muddo 7-sano xusul duub ugu jirtay sidii ay u heli laheyd Dekad ay Maamulato culeysyna ku saartay Maamuladii isaga dambeeyay inay oggolaadaan, iyadoo Maamulka Addis abeba uu Sanadahan kor u qaaday xusul duub ay ugu jiraan inay qeyb ka hesho Deegaanada ku teedsan Xeebaha Soomaaliya xoog iyo xeeladba, markii ay furi weysay Madaxda Dowlada Federaalka ayay u wareegsatay Maamulada Gobolada gaar ahaan Maamulka Somaliland, kana saxiixatay Qoraal Is-fahan, inkastoo uusan ku qancin Nidaamka Federaalka 33-sano sheeganaayay inuu ka go’ay Dalka intiisa kale sifo aan sharci aheyn.

Markaasi kadib waxaa aad u kacay shucuuta Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba, waxaan a ay diidmo uga horyimaadeen waxa ay la soo dhoodhoobay, waxaa kaloo aad uga carooday Culimaa’udiinka Soomaaliyee kuwa Caalaamka, Wargeys ka soo baxa Dalka Masar ayaa qoraal uu qoray cinwaan uga dhigay (HA CAAWIN DUMINTA KACBADA)! Cilmi baaris hor u dhac ah ayaa lagu ogaaday in Xabashida khatar ku yihiin dhulka barakeysan oo ay ku jirto Kacbada ,taasina suuragal waxaa ka dhigi kara in ay helaan bad ay kaga duulaan Dhulka barakeysan, sida  Casmara(Eretareeya) ama Badda Saylac (Soomaaliya), waxaa in dawladda Soomaaliyeed in ay ku darsato xisaabta in ay ku wargeliso dowladaha Masar iyo Sacuudiga khatarta amni ha ahaato mid qoomi iyo Diini ah ee laga filan karo arrinkaasi, xitaa amni qoomigii carbeed oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa halis soo waajaheysaa, mar haddii ay Soomaalidu ku jirto jaamacada Carabta.

Haddaan dib u raad raacnno colaadda Soomaalida iyo Itoobiya ayaa waxaa jirtay in Ciidan saddex kun ahaa oo uu watey Xayle Salaase Aabihiis Ras Makonnen aya Soomalidu ka dhigtay waxay disho iyo dhaawacmay sannadkii 1897-kii sida uu waagaasi soo qoray Wargeyska New York Times oo ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa sidan u dhigay jumlo ka mid aheyd qoraalkiisa:

“Benett Stanford, oo dhowaan ka soo laabtay socdaal uu ku tegey dhulka Soomaalida, waxa uu keenay war ku saabsan in la baabi’iyay, dhammaadkii bishii Juun, ee sanadkii 1897-kii ciidan Xabashi ah oo ka koobnaa 3,000 oo Nin oo hoos imanayay taliyihii caanka ahaa ee Jen. Ras Mackonnen, kuwaasoo 69 nin oo kaliya ay ka baxsadeen, si ay warkaasi ama jabkooda cidohoodii ugu geeyaan.”

Marka Dad baa moodaya in xorriyadda iyo badda dheeri ay ciyaar ku timid, dadbaa u huray dhiigooda iyo maalkooda, waa in Jiilka hadda joogaa ay dhaxal u reebaan, sida ay iyagu noogu reebeen, “Kuwa aan taariikhda aqoon ayaa idin damaaciyay laakiin waad xusuusiseen reer Boorama. Ogaada Maanta waxaa gacantiina ku jirta oo aad matalaysaan Magaca iyo Sharafta Malaayiin dhimatay, Malaayiin nool iyo Malaayiin aan wali dhalan”, sidaasi waxaa yiri: Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, “Dadkeenna Damiirkoodu ma dhiman. Halkaan waa Boorama, waxa ay Dadku isugu soo baxeen diidmada damaca Ethiopia. Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobikaro”, ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa shalay dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb ka mid ah Badda JFS, Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagoo  tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suurahal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ee waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl, iyagoo Madaxweynaha JFS ku bogaadiyay dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka sameeyay arintaan, taasoo keentay in dowlado iyo Ururo caalami ah oo badan ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca liita ee dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogaal doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ku maqan.

Dhinaca kale Xisbiyayda mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl ugu baaqay in uu doorasho qabto loogana baahneyn xiligan waxkale, iyadoo dhanka kale Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo shalay ku shiray magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed   ku baaqeen in deg deg doorashada maamulkaas la qabto.

Haddaan u nimaadnno Wararkii ugu dambeeyay, Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, waxayna bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya, islamarkaana waxay baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku raadinayso in ay ku boobto qeyb ka mid ah Badda iyo dhulka Soomaaliya.“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada Gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiya” ayuu yiri Xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo Warbaahinta u Akhrinayay warka ka soo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka Ubadka iyo jiritaanka dalka. “Heshiis beenaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Addis Abba, waxa uu ahaa duulaan lagu soo qaaday dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya la yiraah, jiritaanka iyo qabka qofka soomaliga meel walba uu jogaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa jiritaanka qod walba oo Soomaali ah lagu soo duulay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la i yiraahdaa, waana la I yaaqaan dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Hadday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Masjidka Shuhadada.

.

Xigasho: SONNA | By: C/laahi Ruush

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post