654 Views

PM Xamze“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,”

PM Xamze“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,”
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu tageerayay oo caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay dhowr arrimood nasiib darro ku ah umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo lama huraan ay tahay in deg deg looga soo kabsado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u sheegay in uusan aqbali karin in gabar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo aan muslim aheyn ay ammaankiisa sugto oo ka ilaaliso dad kale oo Soomaaliyeed.

“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo heysta dhul qani ah ay gaajo iyo harraad u dhintaan, iyagoo u muuqda biyaha webiyada mara qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wuxuu tusaale u soo qaatay dhibka ka taagan in la isaga kala safro dalka gudihiisa, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in safar kasta oo maagaalo ka tirsan Soomaaliya loo aadayo ay waajib tahay in diyaarad la raaco

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post