954 Views

Colaad ka jirtey deegaano ka tirsan G/Hiiraan oo la soo afjarey

Colaad ka jirtey deegaano ka tirsan G/Hiiraan oo la soo afjarey
____________________________________________________________________________

TMogadisho  –-2020—aliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleytay inay soo afjaraan colaad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,kuwaas oo kasoo kala jeeda degmooyinka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

 

Kulan Colaadaas lagu soo afjarayay oo lagu qabtey degmada Matabaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame iyo Odayaasha labada Beelood.

 

Labada Maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa ay ku dagaalameen deegaano duleedka ka ah degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,waxaana dagaalkooda uu ahaa mid ku bilaawdey dilal aanooyin qabiil ah.

 

Taliyaha Guutada 15aad ee Taliska Qaybta 21aad Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa sheegay in taliska ku mashqulsanaa xal ka gaarista Colaado soo Jiitameyey in Muddo ah hadase xal waara laga gaaray.

 

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay dhaqan gelin doonaan heshiiskaas,iyaga oo goobta ku kala qaatey mag ama Diyo loo loo bixinayo dilalkii ay beelaha kala geysteen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment