501 Views

Nin hubaysan oo muddo lix saacadood ka badan afduub ku haystay bangi ku yaalla magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan

Nin hubaysan oo muddo lix saacadood ka badan afduub ku haystay bangi ku yaalla magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 13, 2022

Nin hubaysan oo muddo lix saacadood ka badan afduub ku haystay bangi ku yaalla magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan, isagoo awoodi waayay inuu la baxo lacag u taalla, ayay dadweynuhu u aqoon sadeen inuu yahay geesi.

Bangiyada Lubnaan, ayaa soo saaray sharciyo adag, oo ku saabsan inta lacag ee ay dadku markii la bixi karayaan, iyadoo ay jirto dhibaato dhaqaale xumo aad u qoto dheer.

Ninka eedeysanaha ah, ayaa Bankiga la galay qori, isagoo ku shubay Batrool, wuxuu dalbaday Lacagtiisa, si uu isaga bixiyo biil isbitaal, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Ficilkiisu waxa uu soo jiitay taageerada dadweynaha – iyadoo ay isu soo baxeen dad faraxsan oo ku dhawaaqayay: “Waxaad tahay geesi.”

Iska horimaadku wuxuu ugu dambeyntii ku dhammaaday si nabad ah, iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah.

Dad wada-xaajoodayaal ah, ayaa oo isu xilqaamay xalinta dhibaatada, ay gaareen heshiis u oggolaanaya tuhmanaha inuu helo $35,000 (£ 29,000) oo ah kaydkiisa hore, sida uu tabiyey telefishinka LBC.

Booliiska ayaa la heystayaashii lagu dhex qabsadey bangiga, iyo ninkii la tuhunsanaa usoo kaxeeyey laanta bangiga federaalka ee u dhaw wadada Xamra, ee galbeedka magaalada.

Saraakiisha dowladda, ayaan wali sheegin in ninka bangiga hubka la galay, dadna madax furasho u qabsaday inuu wajihi doono dacwad iyo in kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post