1383 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo,Kadib Safarkii Nairobi

Sawirro:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Dib Ugu Laabtay Baydhabo,Kadib Safarkii Nairobi
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | Maarso  26, 2019 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo Howlo Shaqo ugu Maqanaa Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya aya Maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG Dowlad Goboleedka KGS.

 

Wafdiga Madaxweynaha Hagaaminaayey ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo Dhaweyay Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye Iyo Wasiiro ,Xildhibaano ,Odayaal iyo Ururada Bulshada ra’idka Magaalada Baydhabo.

Soo Dhaweeyn ka dib Madaxweynaha Iyo Wafdigiisa waxaa ayaa waxa loo Galbiyay Madaxtooyada Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye Gudoomiyaha Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha Warbixin Ka siyay Howsha meesha ay Mareyso Iyo Xaladda Guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta –gareen ayaa Faafahin Ka Bixiyey kulumadi ay la qaateen Deeq Bixiyaasha Caalamka ,iyo Siyaasiyiinta Reer Koonfur galbeed ,iyo Ganacsatada Reer KG Ee ku nool Waddanka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Baydhabo 

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment