1083 Views

SAWIRO:-Laamaha Ammaanka Dhuusamareeb oo heegan la geliyey

SAWIRO:-Laamaha Ammaanka Dhuusamareeb oo heegan la geliyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee ku sugan Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Manta waxaa la geliyey heegan,sida ay Risaala u xaqiijiyey saraakiil ku sugan Dhuusamareeb.

 

Ciidamo dheeri ah ayaa lagu xoojyey Ciidamada ku sugan baraha koontorool ee ku yaalla Xaafadaha Dhuusamareeb,xilli ay soo dhowdahay doorashada Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay sidookale Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareb ka wadaan howlgallo,waxaana saraakiisha ay sheegeen in howlgalkooda uu yahay sugida Amniga.

 

Howlgallada ayaa socday ilaa iyo xalay oo Ciidamada lagu arkayay Wadooyinka xaafadaha iyo jidka laamiga ah kuwaas oo suaalo waydiinaya dadka ay ka shakiyaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment