867 Views

Ciidanka Kenya oo agab Sports ku waareejiyay Jubbaland.

Ciidanka Kenya oo agab Sports ku waareejiyay Jubbaland.
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 15 2020
——Ciidanka Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa agab Sports oo loogu talagalay taageerada kubada cagta magaalada Kismaayo ku wareejiyay wasiirka dhalinyarada Isboortiga Jubaland Cismaan Xuseen Xaaji.

Taliyaha Qaybta AMISOM ee Juboyinka Gen. Juma Shee Mwinyikai oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa ku wareejiyay wasiirka isaga oo sheegay in agabkaan uu qeyb ka yahay iskaashiga rayidka iyo militariga ee AMISOM.

Wasiirka Isboortiga Jubaland Cismaan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in agabkaan uu qor u qaadayo isboortiga dhalinyarad magaaladda Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland.

Wasiirka ayaa sidoo kale ciidanka AMISOM uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan shacabka Jubooyinka.

Howlgalka midowga Afrika ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay siiwadayaan taageerada Soomaaliya sida hormarada dowladnimada iyo nabadgalyada.

“AMISOM waxa ay sii waddaa in ay si dhow ula shaqeyso bulshada deegaanka iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya si loo xaqiijiyo in Amaan iyo nabadgelyada si buuxda loo gaaro” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Kenya ayaa ku sugan magaaladda Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose iyo oo maamuladda deegaanada siiya agabyo kale duwan sida agabka ka hortaga Coronavirus.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post