759 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Beledweyne

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 22, 2020 –kulanka oo looga hadlayay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Guud ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledwyne.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed), waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiisha amniga iyo madaxda AMISOM.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeyeey sida lagu xaqijiin karo amniga magalada Beledweyne xilli magalada ay marti gelineeyso Caleama-saarka madaxda Hirshabeelle kadib doorashadii ka dhacyday Jowhar.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo kordhay falal Amni darro, iyada oo todobaadkii hore lagu dilay Sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Magaalada Beledweyne.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post