1164 Views

Maamulka Magalada Gaalkacyo oo u digey Xaaf

Maamulka Magalada Gaalkacyo oo u digey Xaaf
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 15, 2020—Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa kasoo horjeestay Warqad xalay kasoo baxday Madaweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,taas oo lagu sheegay in xilkii looga qaaday duqa degmada,sidoo kalena lagu kala diray Golaha Deegaanka degmadaas.

 

Kulan ay maanta Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada iyo Xubno ka tirsan Golaha deegaanka ayaa waxaa ay baq ugu direen Madaxweyne Xaaf, iyaga oo sheegay in uu Magaalada ka wado qas iyo fowdo sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

 

Guddoomiye xigeenka Degmada Gaalkcayo ee Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Axmed iyo qaar ka mid ah Golaha degaanka oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay si caadi ah u socoto howshii caadiga aheyd,isla markaana wax saameyn ah aysan ku yeelan warqadii kasoo baxday Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 

Ugu dambeyn Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Gaalkacyo iyo Golaha deegaanka ayaa waxaa ay baaq u direen qeybaha kala duwan ee Bulshada,iyaga oo ka dalbadey inay amniga ka Shaqeeyaan.

 

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana dadka degmada ay sheegayaan in Magaalada laga dareemay khilaafka soo kala dhex-galay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Madaxweyne Xaaf.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment