1098 Views

magaalada Boosaaso dedaallo ay ugu kala dabqaadayaan ciidammada dowladda iyo ciidammada la dagaallama argagixisada ee PSF

magaalada Boosaaso dedaallo ay ugu kala dabqaadayaan ciidammada dowladda iyo ciidammada la dagaallama argagixisada ee PSF
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 1, 2021

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Puntland ay wadaan dedaallo ay ugu kala dabqaadayaan ciidammada dowladda iyo ciidammada la dagaallama argagixisada ee PSF loo soo gaabiyo.

Xaaladda magaalada ayaa deggan hasayeeshee waxaa maalmihii la soo dhaafay magaaladaasi ku qulqulayay ciidammo badan oo ka tirsan Puntland, walow intooda badan la dajiyay bannaanka magaaladaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin inay si nabad ah ku soo dhammeeyaan khilaafka taagan, waxaanay carabka ku adkeeyeen in aanay aqbali doonin in magaalada lagu dagaallamo.

Khilaafka ayaa ka dhashay markii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu 24-kii bishii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

Maxay yihiin ciidamdaa PSF

Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

“Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen, Cabdullaahi Yuusuf-na uu dhawr goor ka cawday argagixiso iyo arrimahaasi in ay ka jiraan bariga, baa hay’addani loo ogolaaday in ay halka ka hawlgasho {xarunna } ku yeeshaan qolodaa Mareykanka,” ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post