906 Views

“Qaramada Midoobay waxaa kago’an yaraynta colaadaha Afrika iyo shaqo abuurka Dhalinyarada, Antonio Guterres.

“Qaramada Midoobay waxaa kago’an yaraynta colaadaha Afrika iyo shaqo abuurka Dhalinyarada, Antonio Guterres.
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Shir madaxeedka 35aad ee Midowga Afrika Aalada isgaarsiinta khadka internet-ka uga qayb galay ayaa ballan-qaaday in qaramada Midoobay ay Midowga Afrika ka taageeri doonto sidii loo dhimi lahaa colaadaha Afrika, shaqo abuurna loogu samayn lahaa dhallinyarada Afrika islamarkaana ay Haya’da Qaramada midoobay kashaqaynayso ballaadhinta hanaanka gaadhsiinta waxbarashada ee Qaarada Afrika.

Guterres ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee Afrika ku gadaaman ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhinacyada Maamulka, dawladnimada, Amniga, kobaca dhaqaalaha  xad gudubyada  xuquuqda aadamaha ka dhanka ah iyo gaarsiinta gargaarka aadantinimo, dhaq dhaqaaqyada argagixisada iyo tallaalka Safmarka Covid-19 oo aan kufilayn

Geesta kale, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo bogaadiyay dadaalada horumarineed ee Wadamada Afrika  ka wadaan dhinacyada Wax soo saarka dalaga beeraha, kobcinta wax soo saarka Warshadaha, kordhinta maalgashiga, dib u soo nooleynta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo waliba dadaallada lagu dhisayo Xasiloonida Waarta ee qaarada; ayaa dhanka kalena kubaaqay inay Wadamada Afrika ay hoosta kaxariiqaan sidii ay ahmiyad gaar ah u siin lahaayeen hawlaha dhiirigelinta kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika .

Ugudambaytiina Antonio Guterres ayaa Cadeeyay in Hay’ada qaramada Midoobay ay sii Xoojin doonto taageerada wadamada Afrika ee ku addan Ka midho dhalinta Ajendaha 2063 ee Midowga Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post