294 Views

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay ururada siyaasadda Puntland iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo  kulan la qaatay ururada siyaasadda Puntland iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay ururada siyaasadda Puntland iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland habeenimadii Salaasada. Kulanka ayaa daarnaa is xog-wareysi iyo dardargelinta doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid iyo Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee Shirka ka qeybgalay, ayaa iyana kulanka kusoo bandhigay aragtidooda, waxaana ay goobta ka akhriyeen qoraal muujinaaya sida ay muhim u tahay in wax laga beddelo xeerarka doorashada iyo weliba dastuurka.

Siciid Deni ayaa sheegay in ururadu shir yeeshaan soo qodobeeyaan meelaha u baahan in xeerka laga beddelo, kadibna soo gudbiyaan, arrinta dastuurka ayuu sheegay in ay wakhti qaadan karto in la beddelo.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dowladdqa Puntlanad ay fulineyso ballan qaadki hore ee ahaa in ururada dhaqaale lagu taageero, waxaana uu ballan qaadey $10K oo hal mar ah iyo $3K oo bilkasta ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, si loo dhameystiro Waxyaabaha dhinaca Garsoorka ka khuseeya Doorashada hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post