1578 Views

Sawirro:-Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Sawirro:-Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad ayr oo lagu shaaheyo oo ku taalla ka soo horjeedka Xarun lagu magacaabo Inji oo kamid ah Goobaha uu ku shaqeeyaa Maamulka Galmudug gaar ahaan Hay’addaha amniga maamulkaas.

Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ka mid yahay Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Baraka-Qabe oo ka tirsan Xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug,kaasi oo la geeyay Isbitaalka ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay,kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay,isla markaana waxaa  ku dhintay oo kaliya ruuxii Is-qarxiyay oo kaliya.

 

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa isku gadaamay uu qaraxu ka dhacay,isla markaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira  qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka wada howlalo shaqo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment