996 Views

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ugu Baaqay in ay ka Baxaan dalka Ukraine

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ugu Baaqay in ay ka Baxaan dalka  Ukraine
____________________________________________________________________________

 

Sabti: February 12, 2022

Maamulka Biden ayaa ku boorinaya dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ukraine in ay dalkaa uga baxaan 24 ilaa 48 saac gudahood, iyadoo uu maamulku sheegay in duullaan weyn ay Russia qaadi karto inta ay socdaan ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Jimcihii sheegay in duullaanka Russia ay u badan tahay in ay ku jiraan duqeymo dhanka cirka ah iyo weerar lagu qaado caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Sidoo kale Wasiirka arimaha dibada Rushka ayaa sheegay in aysan Dowladiisa aysan weerar ku ahayn Ukraine waxa uuna sheegay in ay Dowla Maraykanka ka bad badinayso arintaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post