786 Views

Beesha Caalamka oo taageertay shirka Rooble iskugu yeeray golaha Wadatashiga qaran

Beesha Caalamka oo taageertay shirka Rooble iskugu yeeray golaha Wadatashiga qaran
____________________________________________________________________________

.

 khamiis December 23, 2021

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweynayay shirka Ra’iisul wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu iskugu yeeray golaha wadatashiga qaran si looga wada hadlo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashooyinka dalka oo waqtigooda dib uga dhacay.

Qoraalka beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira”.

“Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, waxaana ku baaqeynaa hirgelinta kor u qaadis lagama maarmaan ah si loo saxo daldaloollada la arkay si loo xaqiijiyo in natiijadu ay heli doonto taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed” ayaa la raaciyay qoraalka beesha Caalamka.

Qoraalkaan waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post