333 Views

War kasoo kordhay nin madow ah oo lagu dhuftay 46 xabadood gudaha Mareykanka

War kasoo kordhay nin madow ah oo lagu dhuftay 46 xabadood gudaha Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Nin madow ahaa oo 25 jir ahaa oo ay dileen booliska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka bishii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in lagu dhuftay 46 xabadood isla markaana uu u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray dhacdadaas, sida ku cad baaritaan lagu sameeyay meydka.

Dhakhtarkii baaritaanka ku sameynayay meydka ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in la ogaado rasaasta dishay Jayland Walker ama wadar ahaan la ogaado in rasaas ee ku dhacday.

Dhakhtarka wuxuu intaa ku daray in Walker uu dhaawac halis ah kasoo gaaray wadnaha, sambabada iyo halbowlaha dhiigga qaada kadib toogashadii 27 June ka dhacday magaalada Akron.

Warbixinta ayaa kusoo beegmeysaa labo maalin uun kadib markii boqolaal qof oo ka careysan dilka ay isu soo baxyo ka dhigeen halkaas.

Saraakiisha waxay Jimcihii bandow kusoo rogeen mahaalada xilli maalin kasta halkaas ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post