717 Views

Ciidanka Amniga Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Ciidanka Amniga Oo Howlgalo Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________


Axad: November 14, 2021

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Haramcad ee Booliska dowladda iyo kuwa qeybta galbeed ayaa habeenkii xalay aheyd howlgalo saacado badan qaatay ka sameeyay degmooyinka ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Howlgalkaan ayey Ciidanka Booliska Haramcad ay si gaar ah intiisa badan uga fuliyeen xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan dilal iyo falal kale oo amni darro.

Advertisemen

Ciidanka Booliska ayaa inta uu socday howlgalka guri guri baaritaano ugu sameeynayay, iyagoona dadka ku sugnaa guryaha howlgalka laga fulinayay u sheegay inay is dejiyaan oo howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga.

Sidoo kale Ciidanka ayaa goob barxad ah isugu keenay boqolaal dhalinyaro ah, iyagoona weydiinayay su’aalo la xiriira dhinaca amniga, isla markaana ka dalbaday dhalinyarada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Saraakiisha hoggaaminayey howlgalka la sameeyay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo xiliyada qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir kusoo badanayey kooxo hubeysan oo burcad ah oo xiliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka shacab ah, qaarkoodna dila, kadibna dhaca.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post