1044 Views

Booliiska Garissa oo xiray dad telefoonno been abuur ah ka iibinayay bulshada

Booliiska Garissa oo xiray dad telefoonno been abuur ah ka iibinayay bulshada
____________________________________________________________________________

Sabti: Julay 3, 2021

Booliiska magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa xiray 14 qof oo looga shakisan yahay inay bulshada ka iibinayeen telefoonno been abuur ah iyo qalab kale oo koronto.

Saraakiisha Waaxda Dembi Baarista Kenya ayaa dadkan ka soo xiray deegaannada deriska la ah magaalada ee Kitui iyo Meru.

Taliyaha booliiska gobolka David Bunei oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa ugu baaqay dhibbanayaasha inay la xiriiraan booliiska si wax looga qabto cabashadooda.

Wuxuu intaas ku daray inay ku raad joogaan dad kale oo laga yaabo inay ku lug lahaayeen arrintan.

Dhowr qalab koronto oo eedeysanayaasha lagu helay ayaa la geeyay waaxda ilaalinta tayada ee Kenya, si loo baaro inay shaqeynayaan iyo in kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post