429 Views

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada XFS Oo Shir Kaga Qeyb Galay Dalka Nigeria

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada XFS Oo Shir Kaga Qeyb Galay Dalka Nigeria
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xil.Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa waxaa kulan miro-dhal ah oo ku saabsanaa qaab-dhismeedka maaliyadeed ee isku-dhafka ah iyo Misaaniyadda furan ee yoolalka horumarinta waara uga soo dhammaaday Magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Kulankan oo socday muddo Afar cisho ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 50 dowladood oo ka kala socday wadamada Afrika iyo hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda.

Shirkan oo ay martigelisay Dowladda Nigeria waxaa soo agaasimay hey’ada Caalamiga ah ee iskaashiga Miisaaniyadda, Hey’ada Qaramada Midoobay ee Horumarinta Mashaariicda (UNDP), Waaxda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Qaramada Midoobay (UNDESA), Guddiga Dhaqaalaha Africa iyo Midowga Yurub(EU)

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post