756 Views

Guddoomiye Filish”Aqalka Sare ee hadda jira waxa uu ku dhisan yahay si sharci dara ah”

Guddoomiye Filish”Aqalka Sare ee hadda jira waxa uu ku dhisan yahay si sharci dara ah”
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 08, 2021
–Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaannada golaha Aqalka sare, isaga oo sheegay in markii hore si sharci darro ah lagu dhisay.

Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu sheegay in Aqalka sare dhismihiisa uu ku yaal Dastuurka balse kan hadda jira sidii lagu dhisayay la garab maray oo dad dano gar ah watay ay si boob ah ku dhiseen.

“ Waxaay aheyd in wixii la dhisaayo oo awood qeybsi ah in 4.5 lagu qeybsado ama tirada Gobolada lagu qeyb sado intaba lama sameyn, beel waxay qaadatay 8 midna 17, taas ayaa horta jirta marka beeshii 17 heysatay waxay rabtaa in ay difaacato oo aan laga qaadin waana cadaalad darro ayuu yiri” Cumar Filish.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kal hore Baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixiyeen Gobolka Banaadir in Aqalka sare laga siiyo 13 Sanoter, hayeeshee uusan muuqan qorshihii lagu fulin lahaa go’aankaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post