2967 Views

Sawiro:-Kheyre Oo kormeer Shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Sawiro:-Kheyre Oo kormeer Shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 03, 2018 Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska guud ee Ciidanka Booliska, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiil ka tirsan Ciidankaasi.

R/wasaare Kheyre oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha iyo Taliye ku xiggeenka NISA,  ayaa kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka  la qaatay Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo Amniga dalka, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga magaaladda Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo shaqada.

 

10 11 K5 K6 K7 K8 K13 K14 K15 K17 K19 K20

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment