1638 Views

Ninka dunida ugu taajirsan oo hakad galiyey iibsashada shirkadda Twitter-ka

Ninka dunida ugu taajirsan oo hakad galiyey iibsashada shirkadda Twitter-ka
____________________________________________________________________________

Sabti: May 14, 2022

 

Elon Musk, oo ah ninka dunida ugu taajirsan shaqsi ahaan, ayaa hakiyey heshiis uu ku iibsanayey shirkadda Twitter-ka, kadib mrakii uu weeydiiyey shirkadda koontoonyinka sida been abuurka ah loogga dhex sameeyey inta ay cadadkooddu la eg yihiin.

Isagoo sii wata hadalkiisa, ayaa wuxuu carabka ku dhuftey in macluumaadka uu hayo, inuu yahay mid sax ah iyo in kale, kaasoo tilmaamaya in koontooyinka been abuurka ah ay gaarayaan tirada guud 5%.

Ha yeeshee, Mr Musk ayaa tilmaamey iney ka go’an tahay la wareegista Twitter-ka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka wax falan qeeya, ayaa ku qiyaasay inuu doonayo inuu mar kale galo gorgortan qiimaha ah, ama ka noqdo heshiiska la wareegista shirkadda.

Qoraallada uu Mr Musk soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa qiimo dhac ku keenay saamigii shirkadda, oo hoos u dhacdey 10% subaxnimadii hore ee shaley suuqyada saami kala badalashada ee magaalada New York.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post