1242 Views

Dad ku dhintay Gaari qarax ku qabsaday duleedka degmada Balcad

Dad ku dhintay Gaari qarax ku qabsaday duleedka degmada Balcad
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 14 2021Gaari Caasi ah ama Hoomeey, oo ay saarnaayeen dad shacab ah kana baxay Muqdisho kuna socday Magaalada  Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa miino kula qaraxday inta udhaxeyso Tuulada Gololeey & degaanka Qalimow ee degmada Balcad.

Gaariga oo ay saarnaayeen in ka badan 24 Ruux oo Shacab ahaa ayaa waxaa la sheegay inay ku nqdeen dhimasho iyo dhaawac, isla markaana kaliya ay ka badbaadeen Afar Ruux.

Wadaha Gaariga qaraxa uu qabsaday oo la hadlay Qaranimo online aya sheegay in badi dadkii saarnaa Gariga ay geeriyoodeen halka kuwii dhaawacmay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post