3408 Views

Duqa Muqdisho oo ka hadlay Qorshaha furitaanka Wadooyinka Caasimadda

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho cumar maxamuud maxamed ( cumar filish) ayaa maanta waxa uu kaqayb galay shir wada tashi ah oo looga hadlaayay arimaha haweenka iyo dhismaha nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka qaranka .

 

Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay meel wanaagsan ay mareyso arimaha furitaanka wadooyinka Muqdisho ee uu dhawaan gudiga u magaacabay  .

 

 

 

Gudoomiye cumar finish ayaa waxa uu sheegay in aysan aqbali karin in amnidaro ay al-shabaab ka gaystaan caasimadda oo ay dhibaatooyin kasoo gaaraan shacabka .

 

Waxa uu intaa ku daray in Muqdisho aysan ubaahneen dhagxaan lagu xero iyo ciidamo hub ku dhax haysta balse ay u baahantahay amniga oo la suga shacabkana ay kaqayb qaataan

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment