714 Views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash  oo  gaaray  magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha  Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne ku xigeenka waxa magaalada Qardho ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan wasiiro, xildhibaanno, saraakiil madaxtooyo, maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.

Axmed Karaash ayaa magaalada Qardho kaga qayb-galay munaasabadda daah-furka barnaamijka diiwaan-gelinta codbixiyaasha saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo dhowaan laga qaban doono doorashooyin tijaabo ah oo ku salaysan qof iyo cod.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post