798 Views

Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka Badalka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay Xildhibaannada uga doodeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha Golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira kal-fadhiga 7aad oo ah kan ugu dambeeya ee Baarlamaanka 10aad ayaa waxaa u yaalla ajandayaal dhowr ah oo ay ka doodi donaan si ay u ansixiyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post