1020 Views

Saraakiisha caafimaadka ee Guinea oo xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg

Saraakiisha caafimaadka ee  Guinea oo  xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg
____________________________________________________________________________

.


Talaado: August 10, 2021

Saraakiisha caafimaadka ee dalka Guinea ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Marburg oo xannuun faafa oo lamid ah feyraska ka dhasha Ebola.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in loo baahan yahay ka hortagga cudurka.

Feyraska Marburg waxaa la rumeysan yahay in uu kasoo bilowday fiidmeerta taas oo u gudbisa banii’aadanka.

Baaritaan lagu sameeyay bukaan u ku dhacay cudurka oo ku nool dalka Guinea ayaa lagu ogaaday in uu ku dhacay feyraska Marburg.

Dr Matshidiso Moeti oo ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurka uu si baahsan u faafi karo.

Waxaa dalka Guinea ka socdaa dadaallo lagu baadigoobayo dadka loo maleynayo in uu la kulmay ninkan.

OfFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post