972 Views

Galmudug oo wax ka bedeleysa sugida Amniga Dhuusamareeb

Galmudug oo wax ka bedeleysa sugida Amniga Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Wasiirka amniga Galmudug, Saraakiisha amaanka Dhusamareeb, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiyaha Degmada iyo madax kale ayaa ka wada hadlay adkaynta nabad gelyada Magaalada, ka dib shir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

 

Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu la imaaneyso isbedel dhinaca amniga oo isugu jira la-dagaalanka maandooriyaha iyo Ururka Al-Shabaab.

 

Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay ka hortagayaan wax kasta oo amniga Magaalada Dhuusamareeb qalqal gelinaya,isla markaana taxadar ka muujinayaan inay falal amnidarro geystaan Shabaab.

 

Ciidamada Ammaanka ayuu ugu mahad celiyey dadaalka ay ku bixinayaan sugida Amniga,waxaana uu ka dalbaday Maamulka degmada Dhuusamareeb inay amniga kala Shaqeeyaan laamaha Amniga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment