1446 Views

Mas halis ah oo daawadiisa laga helo hal dal

Mas halis ah oo daawadiisa laga helo hal dal
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

  Mid ka mid ah masaska ugu khatarta badan caalamka ayaa laga helay magaalada Salford ka dib markii lagu arkay markab xamuul oo ka yimid dhinaca Pakistan.

Maskan ayaa laga dhex helay weel laga sameeyay bulukeeti, kaasoo bishii hore lagu wareejiyay nin ka shaqeeyay arrimaha dhismooyinka oo ku sugnaa magaalada Manchester.

Sarkaal ka tirsan waaxda ka shaqeysa badbaadinta xayawaanada ee UK, RSPCA oo lagu magacaabo Ryan King ayaa loo yeeray si uu badbaadiyo maskan sunta ah.

Waxa uu durbadiiba sheegay in uu ogaaday in maskan “uu awood u leeyahay in uu dadka ku laayo suntiisa.”

“Mararka qaar waxaan helnaa shaqooyin noocan ah, waxaan masaska u baddalnaa kuwa aysan wax dhib ah kaa soo gaareynin dadka” ayuu yiri.

“Xitaa waxaan aragnay dhacdooyin la xiriira masas isku dhex qariyay alaabaha caagga ka sameysan ay carruurta ku ciyaaraan”

Mr King waxa uu sheegay in uu isla markiiba gartay ka dib markii uu “eegay” sida uu maska uu halis u yahay.

Darawal ka howlgalayay shirkad badeecadaha dejiso ayaa arkay maska xilli uu ku sugnaa waddada Langley ee UK.

Waxaana maska lagu xiray sanduuq, waxaana durbadiiba lagu wargeliyay waaxda ka shaqeysa badbaadinta xayawaanada ee UK ee RSPCA.

“”Waan fahansanaa sida aan iskaga ilaalin lahaa naftayda, laakiin hubaal ma aanan garanayn sida maskan halis u yahay – waan naxay,” ayuu yiri.

Maskan wuxuu kamid yahay masaska sida weyn looga yaqaanno qaaradda Aasiya, waxaa loo wareejiyay xarun gaar ah oo shati u leh in lagu daweeyo xamaaratada sunta ah.

Dalka Hindiya, halkaas oo qiyaastii kala bar qaniinyada masaska adduunka lagu qiyaaso inay ka dhacaan, masaska waa mid ka mid ah afar nooc oo si wada jir ah loogu tiriyo tirada ugu badan ee dhimashada aadanaha, sida ay sheegtay waaxda RSPCA.

Mr King ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maskaasi uu ka badbaaday safarkaasi uuna ku noolaado dhowr todobaad cimilo sidaa u qabow.

“Aad bay u yar tahay, si fudud ayuu qofka u qaniinayaa, waxay u muuqataa inuu ku jiray bulukeetiga saarnaa markabka dhexdiisa muddo bil ku dhow,” ayuu yiri King.

Wuxuu sheegay in ciddii uu qaniino maskan daawadiisa looga heli karo oo kaliya ah dalkii asaal ahaan uu ka yimid.

“Daawada ka hortaggeyso sunta maskan waxaa badanaa laga helaa dalalka uu maskan ka yimid laakiin aad bey suntiisa u xun tahay- aad bey u adagtahay in qofka uu qaniino maskan la badbaadiyo”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post