3627 Views

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 11 December 2015: Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Mudane Carte ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isu tanaasulo, lana kala roonaado, isagoo tilmaamay in qofkii qaldan la saxo.

“Hadaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasada ay noqoto mid isu tanaasul iyo dhex dhexaad, isla markaana aanay noqon mid xaqjirnimo ku jirto, si xal iyo dib u dib u heshiisiin loogu soo dabaalo.

“Hadii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aanu bilaabmin waxay noqoneysaa inay xaalka halkii un uu taagnaado, dhibteeda leedahay, xalka waxaa uu ku jira in wada hadalka bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa”ayuu yiri Maxamed Cumar Carte

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wali hakad ku jira, iyadoo wada hadalada ay fashilmeen bartamihii sanadkan markii Guddiyo ka kala socday labada dhinac oo isugu tagay Istanbul uu shirkooda qabsoomi waayay, markii Somaliland ay diideen inay la fariistaan xubno ka mid ah Guddigii dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in deegaanadooda ka soo jeedaan.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment