744 Views

Guddiga FEIT oo dib u fasaxay doorashada kuraas ay hore u hakiyeen

Guddiga FEIT oo dib u fasaxay doorashada kuraas ay hore u hakiyeen
____________________________________________________________________________


khamiis: March 10, 2022

Fiidnimadii xalay ayey ahayd markii Guddiga doorashooyinka heer federaal ay soo saareyn warqad ay ku hakinayeen doorashada Seddex kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraalka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ah mid daba socday qoraal isna kasoo baxay shalay Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle oo ay ku fasaxeen qabashada doorashada seddexda kursi, kadib markii ay xuseen in la xaliyay cabashadii ku aadaneyd Odayaasha iyo Ergada.

Sidoo kale, Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa markale shaaciyay in ay fasaxeen doorashada seddexda kursiga oo maanta lagu qabanayo magaalada Beledweyne, iyagoo sheegay in sababta ay ku hakiyeen ay ahayd cabasho laga keenay kuraastaas balse la xaliyay.

Axmed Safiino oo ah Afhayeenka Guddiga doorashooyinka ee FEIT oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashada kuraastaas la qaban doono wiixii ka dambeya Salaada Duhur kadib.

Kuraasta maanta la qabanayo doorashadooda waxaa ay kala yihiin Kursiga: HOP#010, Kusriga HOP#030 iyo Kurisiga HOP#066.

Office Nairtobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post