3981 Views

Lacagtii laga xaday Bankiga dhexe oo wali la isku heysto

Lacagtii laga xaday Bankiga dhexe oo wali la isku heysto
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2016: Max’ed  Aadan Ibraahim (Farkeeti),Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Lacagtii laga xaday Bandhiga dhexe ee dalka aan lagu galeynin doorasho Xukuumaddana ay ku dabajirto ciddii ka dambeysay lacagtaasi in laga xado Bangiga dhexe.

Wasiirka,waxaa uu sheegay in aysan jirin jabsi qasnadda Bangiga loo geystey hayeeshee qof la aaminay oo ka mid ahaa shaqaalaha Bangiga lana yaqaan uu lacago been abuur ah ku beddeshay lacagihii Bangiga kaydka u ahaa.

Laamaha amniga Dowladda ayuu sheegay in ay ku daba jiraan islamarkaana la garanayo qofkaasi lacagta ka xaday bangiga dhexe ee Soomaaliya, lana heli-doono.

Wasiirka waxaa uu beeniyay in lacagahaasi doorashada loo adeegsanayo oo shaqsiga qaatay ku maareynayo olalaha doorashada ka dhaceysa dalka,waxaana uu raaciyay in Ninkaasi uu yahay mid baxsad ah oo ay ku daba jiraan laamaha amniga dalka oo dhan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment