624 Views

Maamulka gobolka Banaadir oo awaamiir ku soo rogay gaadiidka waaweyn

Maamulka gobolka Banaadir oo awaamiir ku soo rogay gaadiidka waaweyn
____________________________________________________________________________



Talaado: April 5, 2022

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar adag ka soo saaray Baabuurta xamuulka ah ee ku xad gudubta bilicda waddooyinka Caasimadda, gaar ahaan Baabuurta Sidda Qashinka iyo agabyada dhismaha.

Agaasimaha guud ee Bilic soo celinta iyo Nadaafada Gobolka Banaadir Sharmaarke Cadow Tuuryare oo Shir jaraa’id qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay amarka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Agaasime Sharma’arke ayaa xusay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono gaarigii qashin ku daadiya waddooyinka caasimadda, loogana baahanyahay inay ilaaliyaan bilicda waddooyinka magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post