1299 Views

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-27–2019 –Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax ay dad ku dhinteen oo saaka ka dhacay deegaanka Muuri oo u dhow degmada lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu qabsaday Mooto laba lugaaleey (Feykoon),waxaana ku dhintay Saddex qof oo saarnaa Mootadaas.

 

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mootada ay kusii jeeday degmada Afgooye,hayeeshee ka hor qaraxa uu Goobta maray Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya.

 

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda iyo dadka deegaanka,kuwaas oo Goobta ka qaaday meydadka Saddexda Ruux ee Mootada saarnaa kuna dhintay qaraxaas.

 

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas,waxaana inta badan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhaca qaraxyada lala eegto Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM,qaraxyadaas oo mas’uuliyadooda ay sheegtaan Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment