1518 Views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta ka duulay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta ka duulay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 05, 2018 –Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimco ah waxa uu ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa u duulay dalka Ingiriiska, halkaasi oo lagu marti qaaday, waxaana marti qaad u sameysay Jaamacadda Oxford Union, isaga oo khudbad ka jeedin doona munaasabad lagu qaban doono UK.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho uu ku soo laaban doono laba todobaad kadib, wuxuuna tilmaamay marka uu soo laabto inay sii wadi doonaan dhismaha xisbi uu isaga guddoomiye ku yahay.

“Maanta safar ayaan ahay, waxaan u baxay Ingiriiska, waxaan ka marti qaadananahay Jaamacadda Oxford Union, bisha 25-keeda ayaan soo laaban doonaa, hawlaha guud ahaan way fiican yihiin”. Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkan markiisii ugu horeysay ka qeyb galay kulanka baarlamaanka, maadaama uu yahay xildhibaan sharafeed.

 

W/Q:-Bashiir Barre 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment