867 Views

Dagaal khasaaro geystay oo dhex-maray Itoobiya & Suudaan

____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad ayaa la laayay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Suudaan dhulka lagu mursan yahay ee ku yaalla xadka labada dal, sida ay ku warrantay warbaahin laga leeyahay Suudaan.

Warbaahinta Sudan Tribune oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan inay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan deegaanka Barakat Buureyn oo dhaca dhul baaxadda weyn ee lagu muransan yahay ee Al Fashaqa.

“Dagaalka ayaa socday tan iyo koowdii bishan kaas oo u dhexeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helaya ciidamo Eritrean ah…..Ciidamada Suudaan waxay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadoodii” ayay ku warrantay warbaahinta Sudan Tribune.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhinaca Suudaan.

Eritrea waxay beenisay inay ciidamadeeda ay ka garab dagaallamayaan kuwa Itoobiya ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee ku yaalla xudduudda Suudaan iyo Itoobiya.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post