1074 Views

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo weerar culus ku qaaday Farmaajo
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay xaalada dalka ayaa si weyn ugu eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dalka uu galiyay xaalad adag.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in mudada uu Villa Somalia ku sugna Farmaajo ay diiwaanka u galeen siyaasad cunno-goyn ah, dastuurka oo aan la ixtiraamin iyo kalsooni darro iyo niyad-jab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay xulafada Farmaajo inay dalka u horseeden amni darro iyo sicir barar xooggeystay, islamarkaana ay wax u maamuleen wax ugu yeeray “Nidaamka keli-talisnimada”.

“Shantii sano ee lasoo dhaafay waxay dadkeenu la kulmeen Sicir barar sii ballaartay, Amni darro, Abaaro is daba-joog ah iyo haba ugu darnaatee siyaasad is cuna-goyn ah oo aan ixtiraameen Dastuur, Dhaqan Soo jireen, Dib u heshiisiin iyo sharciga dalka midna,” ayuu yiri.

 “Xaqiiqadii Dowladdeenu heer weliba ha ahaatee waxa ay ku socotaa si qar iska xoornimo ah oo kusii fogaaneysa sharci darro, falal dastuurka ka baxsan oo la hubo in ay keeni karaan kalsooni daro iyo niyad-jab dadka Soomaaliyeed ay ka qaadaan dowladnimada.”

Sidoo kale waxa uu Maxamed Cabdirisaaq ku eedeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ka gaabiyay dhammeystirka Dastuurka dalka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga, islamarkaana uga jeestay meel-marinta rabitaanadiisa shaqsiga ah.

 “Doorashada Hadda Socota oo ah mid ku sifowday noocaas waxa ay ahayd mid lagu han weynaa oo ahayd in ay u dhacdo si daah-furan oo dimuqraadi ah, nasiib-darro waxaa dhacday in siyaasiyiintii ay kalsooni ku qabi waayeen Dadka Soomaaliyeed oo ay na tuseen Digtatoornimadooda iyaga oo haddana rejo ka qaba in xilka madaxweynaha ku guuleystaan.”

“Shaki kuma jiro haddii madaxda hadda joogta ay diiradda saari lahaayeen Qabyo-tirka Dastuurka oo ay dhisi lahaayeen Laanta saddexaad ee Dowladda oo ah Garsoorkii, Guddiga adeegga garsoorka iyo hay’addii fulin lahayd oo ah Maxkamaddii Dastuurka kuma aynaan jirneen xaaladdaan oo ah in aan awood u lahayn wax ka qabashada lagdanka Kheyru-mas’uulnimada ah ee siyaasadeed ee Madaxdeena heer weliba,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Si kastaba, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq o xilka laga qaaday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa xiligan si weyn u dhaliila madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo dowladii uu mudada kasoo tirsanaa.

  • Office Nairobi Kenya 
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post