1089 Views

Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Warfaafinta XFS

Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Warfaafinta XFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Kulankan ay wada yeesheen Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa Looga hadlayay Xeerka Saxaafadda ee dhowaan ansixiyeen  golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qorshe howleedka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Kulanka oo ka dhacay Xarunta golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado dheer ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macallin Cumar Nadiir, waxa uu sheegay in wasiirka uu gudiga uga warbixiyay tubaha Wasaaradda warfaafinta ku shaqayso, Warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa Bannaan Horumarka iyo Caqabadaha haysta.

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha Wasaaradda iyo tubaha ay Wasaaradda ku shaqayso iyadoo gudigan ay lee yihiin wada shaqayn dhow ayna ka wada shaqayn doonaan xeerka saxaafadda ee dhowaan Ansixiyeen Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment