1416 Views

SAWIRo:-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arr.Dastuurka Oo Kulan Xasaasi ah Laqaatay odiyaasha Dhaqanka Beeshiisa.

SAWIRo:-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arr.Dastuurka Oo Kulan Xasaasi ah Laqaatay odiyaasha Dhaqanka Beeshiisa.
____________________________________________________________________________


Kulanka ayaa ahaa mid ay goobjoog u ahaayeen qaybaha kala duwan ee odiyaasha beesha asharaaf, ayaa lagu lafa guray masiirka beesha iyo Ka tashiga xalada kala guurka dalka.

Wasiirka odiyaasha ayaa isla garatay in muqadas ay tahay midnimada beesha iyo ka shaqaynta arimaha Doorashooyinka isagoo ku dhiiri galiyey odiyaasha beesha asharaaf in ay meel uga soo wada jeesteen koox qowlaysata ah oo diida doorashooyinka dalka

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka

KULAN MAAMUUS IYO MIISAAN LEH AYAAN MAANTA LA YEESHAY GOLAHA GUUD EE ODAYAASHA ASHARAAF,

Kulankan oo ahaa mid ay u dhan yihiin qeybihii matalayey Odayaasha dhaqanka guud ee Asharaaf Banaadiri, isla markaasna ay goobjoog ka ahaayeen waxgarad iyo indheergarad kale ayaan kaga tashanay aniga iyo odayaasha xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan doorashada.

Kulanka inta uu socday waxaa la dul istaagay sida laga yeeli lahaa qaswada yaal dhowaanahaan magaca beesha dileysay iyo shaqsiyaad la qaraabta oo la go’aamiyey in baaritaan lagu soo sameeyo waxa ay wadaan iyo cida mas’uulka ah, Ka dibna reerka ka soo saari doonaan go’aan looga wada dhan yahe qaswadayaasha

Asharaaf waa mid, midnimadeedana waa lama taabtaan.🤝

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post