921 Views

47 sano oo Alle bari ah kadib ayaan la kulmay wiilkeyga oo aan u hiloobay

47 sano oo Alle bari ah kadib ayaan la kulmay wiilkeyga oo aan u hiloobay
____________________________________________________________________________

Isniin: February 21, 2022

 Nin u dhashay Eritrea oo ay kala lumayn hooyadiisa isaga oo ilmo yar ah, ayaa dib ula midoobay 47 sano ka dib.

Hooyadiis, Zenebech ayaa maalmo ka hor ka soo muuqatay Television ka EBS ee Ethiopia iyada oo qiiraysan, waxay sheegtay in ay maalin walba ku ducaysato in ay mar uun la kulanto wiilkeeda inta aysan dunida ka tagin.

Mussie Kahsay Tesfagergis ayaa si kadis ah taleefanka uga soo wacay hooyadiis, isaga ka soo duulay gurigiisa oo ku yaalla Maraykanka isaga oo soo aaday halka ay hooyadii ku nooshahay oo ah Ethiopia.

Hooyada iyo wiilkeeda ayaa mar kale dib isugu bartay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen qoyska iyo TV ga EBS. Mussie wuxuu sheegay in uusan si dhabah u xusuusan hooyadii, laakiin wajigeeda uu ka bartay maswiradeeda oo uu helay.

Way isku dul ooyeen iyaga oo laabta isgliyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post