630 Views

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo saakay laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb iyo cabsi dagaal oo jirta

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo saakay laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb iyo cabsi dagaal oo jirta
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in saakay magaladaas ay ka jirto Cabsi dagaal, lagana dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Wararka ayaa sheegaya in Saakay magaaladaas ay ka duwan tahay maalmihii la soo dhaafay, waxaana Ciiidamada Dowlada isku diyaariyen laba jiho oo dagaal.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in dagaalka ay rabaan in Ciidamada Dowlada ay qaadayaan saacadaha soo socda, ay rabaan in ay ku gaaraan Duleedka Dhuusamareeb ee Deegaanka Bohol oo kahmiistii la soo dhaafay dagaal ka dhacay looga qabsaday gaadiid dagaal

Sidoo kale Ciidamada Dowlada ee ku sugan Dhuusamareeb Qeyb ka mid ah ayaa lagu wadaa in ay u Ruqaansadaan dhinaca magaalada Guriceel oo ay gacanta ku hayaan Ahlusuna.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post