1146 Views

Al-shabaab oo Xalay weerar Hobiyayaal ah ku qaaday saldhig ciidmada Puntland ee deegaanka Af-Urur

Al-shabaab oo Xalay weerar Hobiyayaal ah ku qaaday saldhig ciidmada Puntland ee deegaanka Af-Urur
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

 Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa sheegaya in uu jiro Qasaare ka dhashay Weerar hoobiyeyaal oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidmada Puntland ee ku yaalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen gudaha xerada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen hareeraha saldhigga la beegsaday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka Puntland ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic, kadib weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.

Sidoo kale War qoraal ah oo ay soo saareen  Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray gaadiidka iyo xerada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post