933 Views

Gudoomiyaha Hisbiga Jamuuriga Somaaliyeed C/nuur Ahmed Darmaan ku baaqay in laga wadda shaqeeyo in ay dalka ka qabsoonto Doorasho loo dhan yahay (Sawiro).

Gudoomiyaha Hisbiga Jamuuriga Somaaliyeed  C/nuur  Ahmed Darmaan  ku baaqay in laga wadda shaqeeyo in ay dalka ka qabsoonto Doorasho loo dhan yahay (Sawiro).
____________________________________________________________________________

Cabdi Nuur Darmaan oo ah Gudoomiyaha Hisbiga Jamuriga Somaaliyeed ayaa ku baaqay in dalka ay ka dhacdo  doorasho Xalaal ah oo loo dhan yahay, oo ay ka Qeyb galaan siyaasiyiinta  Soomaaliyeed  Ururada Bulshada rayidka ah Haweenka iyo Daneenayaasha Arimaha Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay noqon karto Doorasho daah furan oo Xalaal ah.

Siyaasiga Darmaan oo arrimo shaqo u jeegay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Xiligan Dalka uu marayo Meel xasaasi ah, waxa uuna ku baaqay in wixii Colaad iyo tabashooyin siyaasadeed ah dhinac layska dhigo loona wadda guntado siddii dalka looga saari lahaa xaaladdan adag.

Sidoo kale  Abdinur Darman – gudoomiyaha Hisbiga Jamuriga Somaaliyaad ayaa madaxda iyo dadka soomaliyeed ugu baaqayn in la dhawro  dawladnimadda, si taas u dhacdo, wuxuu madaxda dalka dhammaantood ka codsaday in laga wadda shaqeeyo in ay qabsoonto Doorasho loo dhan yahay,  ayna kawada qaybgalaa daneeyeyaasha siyaasadda sida madaxda Dawaladda dhexe, Dawlad-goboleedyada, Bulshada rayidka ah, Musharaxiinta, Haweenka, dhallinyarada, culumadda Iwm.

Darmaan ayaa sidoo kale dawladda Maraykanka ka  Codsaday in ciidamadda  Maraykan aan dalka soomaliya laga saarin xilligaan,  islamarkaasna taxadar gaar ah la siiyo bixitaanka ciidamadan.

Wariye Cabdixakiim Cilmi Xasan

Nairobi  Kenya

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel+254/711830393

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post