1026 Views

Maxkamadda ICJ oo laashay dalabkii Kenya & dowladda Somalia oo ka hadashay

Maxkamadda ICJ oo laashay dalabkii Kenya & dowladda Somalia oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Ra’iisul Wasaare kuxigenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa shegay in Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ay laashay dalabkii Kenya ee ahaa in dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo Shir Jaraa’id qabtay waxaa uu sheegay in Maxkamadda ICJ ay kusoo shaacisay in aysan aqblayen in mar dambe dacwadda dib loo dhigos, sidaas dareedeedana ay dhiacyada u diyaar agroobaan.

“ Maxkamadda waxa ay go’aan shalay ku gaaray in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay haseyeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe. Sidaa daraaddeed dhinacyadu ay u soo diyaargaroobaan 15-19 bisha March ee inagu soo aaddan Insha alla ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Waxaa uu hadalkiisa uu in taasi ku daray in dowladda Soomaaliya dhinaceeda ay u diyar garoowday ka qeyb-galka qaadista Dacwadda, hadii looga qyeb-galayo Aalada Zoomka ee dhinaca Internet-ka ama Xubno loo dirayo Maxkamadda.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare kuxigenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isku kalsoon tahay, waxana uu Shacabka ugu baaqay inay u so duceeyaan.

Maalmo ka hor ayaa dowladda Kenya waxaa ay ka codsatay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ in markii afaraad dib loo dhigo kiiska dacwadda Badda, hayeeshee dowladda Soomaliya ay Maanta sheegtay in Maxkamadda dalabkaas ay laashay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post