315 Views

Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Si Xun Udilay wiilal uu Dhalay mid ka mid ah Saraakiisha Alshabaab

Ciidamada Macawislayda Hiiraan oo Si Xun Udilay wiilal uu Dhalay mid ka mid ah Saraakiisha Alshabaab
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Xubno kamid ah maleeshiyaadka Macawisleyda bariga Gobalka Hiiraan ayaa xalay u dhacay guri ku yaala degaanka Abooreey oo hoos-yimaada degmada Buula-burde, waxayna halkaas ku dileen wiil dhalinyaro ah, halka mid kalane ay ku dhaawaceen.

Kooxdaan Maleeshiyaadka ah ayaa Labada wiil oo walaalo ah waxay kala baxeen Xaniinyaha, waxaana xusid mudan in midkood noolyahay iyadoo aad looga deyrinayo xaaladiisa Caafimaad waxaana la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Beladweyne.

Dhalinyarada dhibaatada loo geestay ayaa la sheegay in uu dhalay nin katirsan Al-shabaab oo degaankaas ka baxsaday markii ay dagaalada bilaawdeen waxaana la sheegay in kooxda falkaas geysatay ay ku raadineyso lacagtii uu ballan qaaday guddoomiye Cali Jeyte.

Cali Jeyte, ayaa hore u sheegay in uu lacag siin doono qof kasta oo u keena Xaniinyaha dagaalamayaasha Al-shabaab,

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post